Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa sheegay in xadgudubka Itoobiya ee badda Soomaaliya uu yahay mid tageero u noqonayo argagixsada, sameyna ku yeelan doono waddamada gobolka iyo guud ahaan caalamka.
” Ethiopia waxaa ay gashay qalad weyn oo taageero u noqon kara amaba dhiirri galinaya Argagixisadam, tallaabada Ethopia qaaday waa mid saameyn xun reebi kara ” ayuu yiri Wasiir Daa’uud Aweys.
Dowladda Soomaaliya ayuu sheegay wasiirka in ay wali ku taagan tahay go’aanka ah in inta Itoobiya kalaabaneyso falkaa gurracan ay ku dhaqaaqaday aysan jiri doonin wax wada hadal ah oo ay dowladda la galeyso.
Wasiirka ayaa intaa ku daray hadalkiisa in si cad ay Itoobiya ugu xadgubtay madaxbannaanida iyo qaranimada ummadda Soomaaliyeed, taa uu sheegay hadeysan ka laaban ay ka dhalan karto Cawaaqib xun oo sameeyn kara dhammaan waddamada gobolka.
Wasiirka Warfaafinta Soomaliya ayaa tilmaamay in soomaaliya ay mar walba diyaar u tahay in dowladaha dariska la ah ay nabad kuwada noolaadaan, balsa cid laga yeelayo aysan jiran in lagu soo xadgudbo midnimada dhuleed ee jamhuuriyadda soomaaliya, isagoo markale ku baaqay in itoobiya ay joojiso ficillada gurracan ee aan u adeegeynin danaha labada dal.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com