Allbanaadir.com
NEWS

Siyaasi si adag uga hadlay Falkii foosha xumaa ee Abiy kula dhaqmay Madaxweyne Xasan

Dowladad Itoobiya ayaa shalay fal aad u fool xun kula dhaqantay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo wafdigii la socday, xilli ay ka qeyb galayeen shirka madaxda midowga Afrika ee Adis Ababa ka socday.

Siyaasiga xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kulul u cambaareeyay hab-dhaqanka foosha xun ee xukuumadda Abiy Axmed,waxa uuna xusay in falkaasi ahaa kid ka baxsan curfiga diblumaasiyadda.

Cabdiraxmaan Candishakuur ayaa sheegay in dowladda Itoobiya ku xadgudubtay curfiga diblomaasiga ah iyo heshiiskii Midwoga Afrika ee marti-gelinta xarunta Midowga ee dhigaya in ay dhowrto hab-maamuuska iyo xasaanadda madaxda dawladaha Midowga.

”Inkastoo aysan ila qumanayn in Madaxweynuhu u safro Addis Ababa, haddana wuxuu ku ammaanan yahay sida uusan nugayl ugu muujin daandaansiga iyo takoorka diblomaasiyadeed ee ay dawladda Itoobiya kula kacday iyo sida uu ugu adkaysanayo difaaca gobbonimada dalka iyo madaxbannaanidiisa. Waxaa mahad wayn mudan Madaxweynaha Dawladda Jabuuti oo garab istaagay Dawladda Soomaaliya, muujiyeyna hiil-walaaltimo” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Hab-dhaqanka Itoobiya ayuu sheegay in ay tilmaan ka bixinayaan kibirka nacasnimo ee uu Abiy ku liidayo dadka Soomaaliyeed, waxa uuna xusay in Abiy u heysto Soomaaliya dal uu madaxdiisa diyaarad ku ridan karo, si sahlanna kaga saxiixan karo dhulkooda iyo baddooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax dhimasho & dhaawac sababay oo caawa ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali

Guri ku yaalla Muqdisho oo laga soo qabtay rag la sheegay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab

Caydiid Ali

Nabadoon caan ah oo lagu dilay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---