Allbanaadir.com
NEWS

Maadxweyne Cali Guudlaawe oo guddoomiyay Shir arrimo dhowr ah looga hadlay

Madaxweynaha Hirshabelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen oo maanta Shir-gudoomiyay Kulanka Golaha Wasiirada Hirshabeelle ayaa looga hadlay arrimaha amniga ee deegaanada Hirshabeelle, howlgalada kooxda  Al Shabaab looga xoreynayo deegaanada Hirshabeelle, baahinta garsoorka, dar-dargelinta dhismaha gole-yaasha deegaanka, warbixin mashaariicda Wasaaradda Beeraha ee hada socda iyo kuwa dhawaan bilaaban doona, iyo ka doodista nuqulka, qaab dhismeedka shirkadaha amni ee gaarka loo leeyahay.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Golaha uga warbixiyay amniga guud ee deegaanada Hirshabeelle iyo howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab ee wali ka socda deegaanada Hirshabeelle, isagoo tilmaamay in loo diyaar garoobayo wajiga labaad ee howlgallada lagu ciribtirayo khawaarijta, sidoo kalana ay deegaanada qaar ka socdaan abaabul shacab oo ka dhan ah khawaarijta alshabaab.

Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Garsoorka ayaa Golaha uga warbixiyay hannaanka daadejinta iyo baahinta garsoorka, isagoo sheegay in dhammaan degmooyinka xorta ah laga hirgaliyay maxkadamadaha degmooyinka.

Golaha Wasiirada ayaa ku bogaadiyay Wasaarada Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose dhameystirka golaha deegaanka degmada Warsheekh iyo qabsoomida doorashadii daaha-furneyd ee ka dhacday degmadaas.

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ayaa golaha la wadaagay mashaariicda ay ku howlan tahay wasaarada ee hada socda iyo kuwa dhowaan bilaaban doona isagoo xusay in dhowan dib loo howlgalin doono biyo xireenka sabuun oo waxtar wayn u leh bulshada.

Ugu dambeen golaha Wasiirada maamulka Hirshabelle ayaa dood dheer ka yeeshay qaab dhismeedka shirkadaha amni ee gaarka loo leeyahay oo xukuumada usoo gudbisay Wasaarada Amniga gudaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qarax Khasaaro geestay oo lagu weeraray Xildhibaan oo ka dhacay magaalada Gaarisa

Cabdi Cade

Meydka Soomaali toorey lagu dilay oo laga helay Magaaladda Plauen (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Hubkii ugu badnaa oo lagu kala iibsanayo Muqdisho & qiimaha oo sare u kacay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---