Allbanaadir.com
NEWS

Dabley hubeysan oo kufsi wadareed ka geystay xero barakac oo ku taalla Garowe

Kooxo hubeysan ayaa Gabar yar oo da’deeda lagu qiyaasay 13 jir saaka aroortii hore ugu kufsaday xero barakacayaal oo ku taalla duleedka magaalada Garoowe caasimada Puntland.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ragga hubaysan ee kufsiga geystay ay ku lebisnaayeen dareyska ciidamada Puntland kuwaasoo guriga ugu galay qoyska gabadha oo qoryo ku qabtay kadibna hortooda ku kufsaday.

Halka lagu magacaabo Jiingadda oo ka tirsan xeryaha barakacayaasha ee dhinaca bari ka xiga magaalada Garoowe.

Gabadha yar ee la kufsaday oo xaaladeeda caafimaad liidatay ayaa loola cararay isbitaal ku yaalla Garoowe, iyadoo kooxihii falkaas geystay ay baxsadeen, mana jiro war ka soo baxay laamaha amaanka Puntland oo la xiriiora dhacdadan foosha xun.

Kalfadhigii 16aad Todobaadkii 9aad ee Kalfadhiga 7aad, ee Golaha Wakiiladda Somaliland oo uu shir gudoominaayo Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda Mudane Yaasiin Xaaji Maxamud Xiir Faratoon ayaa saaka Cod aqlabiyadda ku ansixiyeen Xeerarka Dooroshooyinka isku sidkan ee Somaliland

Related posts

Qorshayaasha u degsan maamulka gobolka Banaadir sannadka 2024 oo lasoo bandhigay

Cabdi Cade

Hay’adda Socdaalka Somalia oo xafiis ka furatay gobolka Togdheer (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

DAAWO: Farmaajo oo Khudbad dhinacyo badan taabaneysa u jeediyey shacabka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---