Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Ciidanka nabad sugida Puntland oo Garowe ku xiray Wariye Jamal Muhumed Osman

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa xabsiga dhigay Wariye Jamal Muhumed Osman oo saaka kasoo dagay magaalada Garoowe.

Jamal Muhumed Osman ayaa ah weriye Soomaali ah oo ka tirsan telefhsinka chanel 4 ee dalka UK

Weriye Jamaal ayaa marar badan si weyn baraha bulshada ugu taageerayay kooxda Al shabaab, halka uu aflagaadeyn jiray madaxda dowladda Soomaaliya.

Dowlada Somalia ayaa sanadkii hore ku xirtay saacado ka dibna dalka masaafurisay weriyaha magaalada Muqdisho ka dib markii uu ka soo degay garoonka Aadan cadde.

Weriyaha ayaa lagu tuhmay inuu xiriir la leeyahay Al shabaab ka dib markii uu dhowr jeer booqday degaanada Al shabaab, wareysiyana ka soo qaaday hogaamiyeyaasha kooxdaas taasoo dhalisay xasaasiyad badan.

Maamulka Puntland ayaan ka hadlin illaa hadda xariga Wariye Jamal Muhumed Osman oo ku xiran magaalada Garowe oo uu saacado ka hor ka degay.

Related posts

Madaxweyne Biixi oo si aan Caadi aheyn loogu soo dhaweeyay Hargeysa (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Mareykanka oo ciidamo hor leh u diraya Bariga Dhaxe kaddib xaalad soo korortay

Cabdi Cade

Puntland oo walaac & shaki ka muujisay Ciidamada loo tababaro dowlada Somalia

Caydiid Ali
Taboola Ads ---