Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Abiy Ahmed oo sheegay in Ciidamadii Gadoodka sameeyay ay doonayeen in ay dilaan

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed oo la hadlay Baarlamaanka dalkaasi ayaa sheegay in ciidamadii dhawaan gadoodka sameeyay ee yimid xafiiskiisa ay doonayeen in isaga dilaan.

Abiy Ahmed ayaa Baarlamaanka u sheegay in markii uu la kulmayay ciidamada Xafiiskiisa yimid uu muujinayay in uu faraxsan yahay balse uu gudaha ka gubanayay aadna u careesnaa xiligaasi.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa markii uu la kulmay ciidamada gadoodka sameeyay u muujiyay waji farxad leh waxa uuna Ciidamada ku amray in ay sameeyaan buush ab uu isagu naftiisa xiligaasi sameenayay.

”Maalintaas farxad ayaan muujinayay balse gudaha ayaan ka gubanayay ,ciidammada qaar ayaa la maqlayay iyagoo leh ‘wuxuu baxsaday ka hor inta aanan dilin’ marka, yaanan u qaadanin arrinta mid fudud” Ayuu yiri Ra’isul Wasaare Abiy Ahmed.

Ciidamo katirsanaa Milatariga Itoobiya oo isbuucii hore sameeyay gadoodka ayaa tagay xafiiska Ra’isul Wasaaraha, hasa ahaatee Abiy oo la kulmay ciidankaasi ayaa dajiyay ciidanka una sheegay in la xalinayo cabashadooda.

 

 

Related posts

Kooxo hubeysan oo goor dhow dil ka geystay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Jabuuti oo soo bandhigtay Maraakiib dagaal oo ay soo iibsatay (Sawirro)

Caydiid Ali

Wasiirka Arimaha dibeda DF & Virginia Gamba oo hal arrin ka wada hadlay (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---