Allbanaadir.com
NEWS

Itoobiya oo qiratay in Xassan Shiikh laga hor istaagay xarunta Midowga Afrika (Sababta)

Billene Seyoum oo ah afhayeenka ra’iisul wasaare Abiy Axmed ayaa u sheegtay Wakaalada wararka ee AFP sababaha keenay in madaxweynaha Somalia laga hor istaago muddo kooban ka qeyb galka shir madaxeedka Midowga afrika ee ka socday Addis ababa.

Afhayeenka ayaa sheegtay in si diiran loo soo dhaweeyay wafdiga Xassan shiikh, ayna Dowlada Itoobiya siisay  maamuus buuxa oo la mid ah kan madaxda shirka ka soo qeyb galaya.

Waxa ay sheegtay in wafdiga Soomaaliya ka socday ay diideen tilmaamaha ammaanka ay Itoobiya u soo bandhigtay, isla markaana ay isku dayeen in ay la galaan hubkooda xarunta Midowga Afrika.

“Dalka martida loo yahay, dowladda Itoobiya ayaa mas’uul ka ah amniga dhammaan madaxda iyo dowladaha inta ay dalka ku sugan yihiin,” ayey tiri Billene.

Somalia ayaa falkan ku tilmaantay mid aad looga xumaado, waxayna ku baaqday in baaritaan buuxa lagu sameeyo .

“Saaka markii aan isu diyaariyey in aan imaado oo aan ka qaybgalo shirka  shir madaxeedka, ayay ciidamada Itoobiya iga hor-istaageen,” ayuu yiri Xassan Shiikh oo saxaafadda la hadlay, kaddib markii uu gudaha u galay goobta uu shirku ka dhacayay.

Wuxuu sheegay in mar kale uu isku dayay isagoo la socda madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, balse iyagana laga hor istaagay xarunta Midowga Afrika. “Askari qori sita ayaa na hor istaagay, wuxuuna noo diiday inaan tagno xaruntan,” ayuu yiri.

Wasaaradda arrimaha dibeda Somalia ayaaa talaabooyinka carqaladeynta ah ku tilmaantay inay ahaayeen kuwo la soo qorsheeyey oo Itoobiya oo ay ku dooneysay iney Madaxweynaha kaga baajiso khudbada uu ka jeediyey shirka si madaxda Afrika uusan dhegahooda u gaarin xad gudubka qaawan ee ay kula kacday dowlada Itoobiya midnimada iyo qaranimada Somalia

Xiisada u dhaxaysa labada dal ayaa cirka isku shareertay tan iyo markii ay Addis Ababa bishii January heshiis is-afgarad ah la saxiixdeen maamulka la baxay Somaliland oo muddo dheer raadinayey marin ganacsi iyo millatari oo dhinaca badda ah heshiiskaasoo Somalia  ku tilmaantay mid ku xad gudbaya madax banaanida Somalia.

Related posts

Akhriso: Guulaha iyo gebidhaca siyaasadda Farmaajo 3-dii sano ee lasoo dhaafay

Cabdi Cade

Booliisa oo shaaciyay khasaaraha qaraxii ka dhacay Muqdisho

Cabdi Cade

Taliyaha Ciidanka Cirka Somalia oo si aan caadi aheyn loogu soo dhoweeyey Pakistan (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---