Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xubnaha labada aqal oo weli sii wada doodaha wax ka bedelka dastuurka (Sawirro)

Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow oo ay wehelinayeen ku-xigeenka 1aad Mudane Cali Shacbaan Ibraahim iyo ku-Xigeenka 2aad ee Aqal Sare Mudane Cabdullaahi Cali xirsi (Timacadde ) ayaa ka qayb galay kulanka wadajirka ah ee Labada aqal ee Baarlamaanka 11aad.

Ajandaha Kulanka Maanta ayaa ahaa.

1)Dhammeystirka ka doodista  soo-jeedimaha wax-kabadalka Dastuurka.

CUTUBKA 1-aad: Baaqa Jamhuuriyadda•                QODOBKA 1aad ilaa 9-aad.

Xildhibaannada Baarlamaanka labada Aqal ayaa ka dooday in wax ka bedel lagu sameeyo qodobada qaar, waxayna sidoo kale Xildhibaannadu ka  doodeen, Saraynta sharciga ku dhaqanka Diinta Islaamka Xuquuqda Muwaadinka, Meeqaamka Caasimada dalka, Qoondada Haweenka, Astaanta Qaranka  iyo Jinsiyada Muwaadinka, ilaalinta xuduudaha Dalka.

Fadhiga Golaha oo wakhti badan qaatey waxa goob joog ahaa Bulshadda Raydka, Qaar ka mida Culimada soomaaliyeed iyo Aqoonyahano kuwaas oo dhageysanayay doodda Xildhibaannada iyo talo soo jeedinta Qodobada qaar ee u baahan wax ka bedelka Dastuurka KMG ah.

Related posts

Rag dil ku xukunaa oo ka baxsaday xabsi kuyaalla Dhuusomareeb iyo baadigoob socda

Cabdi Cade

DFS oo shaacisay in Puntland ka diiday qorshe ay ciidamo uga qoran layaaheen ….

Cabdi Cade

Shir Madaxeedkii AU oo ka furmay Addis ababa & Farmaajo oo ka qeyb galaya (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---