Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Shir xasaasi ah oo Muqdisho uga furmay DF & dowlad goboleedyada dalka

Waxa maanta ka ka furmay magaalada Muqdisho kulan ay isku yimaadeen Wasiirada Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada dalka iyo Gobolka Banaadir. Shirkaan ayaa diiradda lagu saari doonaa arrimaha horumarinta dhaqaalaha, hannaanka Maaliyadda Dalka iyo mideynta canshuur dalka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige oo si rasmi ah shirka u furay, ayaa sheegay in uu muhiim yahay shirkaan ay isagu yimaadeen Wasiiradda Maaliyadda Federaalka iyo heer Dwlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir. Wasiirka Maaliyadda ayaa sheegay in inta shirkaan uu socdo ay dooddooda diiradda ku  saari doonaan arrimaha mudnaanta u  leh Horumarinta Dhaqaalaha dalka, mideyn hannaanka canshuuraha, hannaanka sii xoojin kadib barnbarnaamijka Deynta looga cafiyay Soomaaliya ee loo yaqaano HIPC.

Shirkaan Wasiirada Maaliyadda dowladda Federaalka,dowlad Goboleedyada iyp Gobolka Banaadir ayaa looga hadli doonaa mashaariicda horumarineed ee Bangiga adduunka uu ka taageero guud ahaan Soomaaliya iyo wadaaga Kheyraadka.

Shirkaan oo ah kii 21aad ee ay isagu yimaadeen Wasiiradda Maaliyadda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa la filayaa in berri la soo gaba-gabeeyo iyadoo Warmutiyeedka laga soo saari doono. Shirkaan ayaan waxan ka qeybgalayn Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland inkasta oo shirka lagu caasuuumay.

Related posts

Wasiirka Arrimaha dibeda Masar oo ku soo wajahan Muqdisho

Caydiid Ali

Qoyska walaalo lagu dilay Muqdisho oo shuruud adag ku xiray in la aaso

Caydiid Ali

Daawo: Xaalada Liibya oo faraha ka sii baxaysa, dagaal hor leh iyo Qax (Xubno sare oo la dilay)

admin
Taboola Ads ---