Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo Faah faahisay howlgal lagu dilay Saraakiil iyo xubno katirsan Al Shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixisay weerar qorsheysan oo dhinaca cirka ah oo xalay lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil iyo dagaalyahanno katirsan kooxda Al Shabaab.

Weerarkan ayaa dowladda shaacisay in uu ka dhacay degmada Kuntuwaarey ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana weerarka la sheegay in lagu beegsaday goob ay isku aruursanayeen dagaallamayaal katirsan Al Shabaab.

Warka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in weerarka dhinaca cirka ah lagu dilay 7-xubnood oo katirsanaa Al Shabaab laguna dhaawac afar kale, waxaana warka dowladda lagu sheegay in dadka waxyeelada gaartay ku jiraan afar horjooge.

Duqeymaha dhinaca cirka ee lagu beegsanayo xubnaha katirsan Al Shabaab ayaa muddooyinkan dambe sii kordhaya, waxaana duqeymahan mararka qaar waxyeelo kasoo gaartaa dad shacab ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Taliye ciidan oo xilka laga qaaday iyo Al Shabaab oo sabab u aheyd xil ka qaadistaasi

Cabdi Cade

Xukun deg deg ah oo lagu soo rogay degaanka Soomaalida Itoobiya

Caydiid Ali

Labo ka mid ah safiirada Somalia u fadhiya dalalka Carabta oo lagu amray iney dalka soo galaan

Caydiid Ali
Taboola Ads ---