Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo Khudbad ka jeediyay Shir madaxdeeda Midowga Afrika (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta magaalada Addis Ababa kaga qayb galay furitaanka shir madaxeedka 37-aad ee Midowga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad ka jeediyay kulanka, ayaa ku baaqay in la qaado tallaabooyin wadajir ah oo looga hortagayo falalka caqabadda ku ah nabadda iyo amniga ee ka soo ifbaxaya guud ahaan qaaradda.

Xasan Sheekh ayaa markale ku celiyay in aan la aqbali karin talaabooyinka ay Itoobiya dhawaan ku dhaqaaqday, gaar ahaan heshiiskii Is-afgaradka (MoU) ee ay la saxeexdeen Somaliland oo ah gobol ka mid ah Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tallaabadaasi heshiiska Itoobiya kula galeen Somaliland ku sifeeyay mid baalmarsan sharciyada caalamiga ah iyo Kuwa Afrika, islamarkaana aan la aqbali karin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dil ka dhacay magaalada Muqdisho iyo faah faahino kasoo baxaya 

Cabdi Cade

Muwaadiniin u dhashay dalka Sacuudiga oo laga soo eryey Maraykanka

Caydiid Ali

Israa’iil oo qaadeysa Weerar aargudasho ah iyo Wasiiradda Dagaalka oo go’aan gaaray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---