Allbanaadir.com
NEWS

Xeerarkii doorashada ee muranku ka taagnaa ee Somaliland oo saakay go’aan laga gaaray

Golaha Guurtida ee maamul goboleedka Somaliland ayaa saakay oo Sabti ah si aqlabiyad leh ku ansixiyay xeerarka doorashooyinka ee muddada dheer muranka badan ka taagnaa meel marintiisa.

Xildhibaanada Somaliland ayaana dood dheer oo horey looga yeeshay kaddib xeerkan saakay ansixiyay, waxaana oggolaaday xeerkan 66-xildhibaan, halka uu ka aamusay hal xildhibaan oo kaliya, mana jirin xildhibaan diiday sida guddoonka shaaciyeen.

Meel marinta xeerkan muranka badan ka taagnaa ayaa gogol xaar u noqoneysa doorashada la filayo in deegaannada maamulka Somalilnad ka qabsoomaan 13-ka bisha November ee sannadkan 2024.

Xeerka doorashooyinka maamulka Somalilnad oo dhoor mar hore la horgeeyay golayaasha maamulka Somaliland ayaa dib loo celiyay, waxaana xeerkan ugu dambeyn lagu sameeyay isbadalo, taa oo keentay in saakay golaha Guurtida ay meel mariyaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raggii abaabulay rabshadihii ka dhacay Britain oo Xukun lagu riday

Cabdi Cade

Rooble oo Caawa kulan Deg deg ah la qaatay Taliyaasha Ciidamada iyo Muudey (Sawirro)

Cabdi Cade

Shan Xildhibaan oo kamid noqonaya Gollaha shacabka oo Kismaayo lagu doortay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---