Allbanaadir.com
NEWS

Weeraro lagu bur buriyay xarumo Al Shabaab ku lahaayeen iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamo caalami ah ayaa xalay fuliyay duqeymno dhinaca cirka ah oo lagu beegsaday xarumo kooxda Al Shabaab ku lahaayeen gobolada Galgaduud iyo Shabeelaha Hoose.

Duqeynta ayaa lagu beegsaday xarumo iyo saldhigyo ay lahaayeen kooxda Al Shabaab, waxaana warar soo baxaya sheegayaan in duqeymahaasi ka dhasheen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in duqeyn culus xalay lagu garaacay deegaanno hoostaga degmada Galcad ee gobolka Galgaduud, halkaas ay ku sugnaayeen sarakaiil iyo dagaalyahanno katirsan Al Shabaab.

Telefishinka dowladda Soomaaliya ayaana lagu baahiyay in duqeymaha lala beegsaday Al Shabaab lagu gaarsiiyay waxyeelo, waxa tabiyeen n in lagu bur buriyay saldhigyo ay weeraro kasoo abaabuli jireen kooxda.

Diyaaradaha dagaalka ee taageera ciidanka dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay duqeymaha ay la beegsanayaan xarumaha iyo saldhigyada ay leeyihiin kooxda Al Shabaab , kuwaa oo kooxda uu kasoo gaaray khasaarooyin kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanada Xisbiga Jamhuuriga oo ku dhegan qorshe uu wato Madaxweyne Biden

Caydiid Ali

Isbedel kooban oo lagu sameeyay Guddiga soo xulaya Ergada dooraneysa kursiga HOP058

Cabdi Cade

Yaa la wareegi doona aqlabiyadda Senate-ka Mareykanka?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---