Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamada Ruushka oo dagaal kula wareegay magaallo kutaalla dalka Ukraine

Dagaallo xooggan oo u dhaxeeya ciidamada milatariga Ruushka iyo kuwa dalka Ukraine ayaa wali ka socda magaalooyin kuyaalla dalka Ukraine, waxaana dagaalka khasaarooyin kasoo gaaray ciidamada labada dal.

Ciidamada Ruushka ayaa lagu soo waramayaa in guulo ka gaareen dagaalkii ka socday magaalada bur bursan ee Avdiivka, waxaana wararka sheegayaan in ciidamada Ukraine isaga baxeen magaaladan oo muddooyinkii dambe ay ku dagaallamayeen.

Qabsashada magaaladan bur burtay ee ciidamada Ruushka ayaa noqoneysa guul weyn ay dagaalka ka gaareen dhowrkii bil ee lasoo dhaafay, ciidamada Ukriane ayaana wali ku fara adeegaya magaalooyin kale ay kula dagaallamayaan ciidamada Ruushka.

Ka bixitaanka ciidamada Ukraine magaalada Avdiivka ayaa lagu micneeyay xeelad dagaal, kaddib markii ciidamada oo rasaastii ka dhammaatay ay hareereeyeen ciidamada Ruushka ee dagaalka kula jiray bilihii lasoo dhaafay.

Ciidamada Ruushka ayaa isku fidiyay magaalada Avdiivka, waxaana la sheegay in ciidankii Ukraine ee magaalada ka baxay meelo kale difaac ka galeen, iyadoona la filayo in ciidamada Ruushka ay duullaanka halkoodii kasii wadaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ogeysiis Muhiim ah oo loo hayo Qurbo joogta Soomaaliyeed

Cabdi Cade

Daawo Video:-Caruurta ku nool England oo la barayo waxyaabaha GALMADA la xiriira iyo Soomaalida oo ka qayliyay!!

admin

Doorashada Soomaaliya Ma Saamayn Doontaa Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya?

Cabdi Cade
Taboola Ads ---