Allbanaadir.com
NEWS

Ku-simaha madaxweynaha oo arrimo muhiim ah kala hadlay masuuliyiin ka socotay Mareykanka (Sawirro)

Guddoomiyaha golaha Shacabka BJFS ahna Ku-simaha Madaxweynaha JFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta kulan la qaatay madax sarre oo ka tirsan Dowladda Mareykanka .

Masuuliyiintan uu Aadan Madoobe la kulmay waxaa hogaaminayay kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha Dibadda USA ee Afrika Molly Phee, Ergeyga Gaarka ah ee Geeska Afrika Amb. Micheal Hammer iyo Amb. Shane Dixon oo ah Siihayaha Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya.

Kulanka oo looga hadlayey xoojinta xiriirka iyo wada shaqeynta labada dal, waxaana shirka labada dhinac dhax maray intii uu socday isla soo qaadeen heshiis beenaadkii ay wada-galeen Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha maamulka Soomaaliland

Guddoomiyaha golaha Shacabka ayaa tilmaamay in madax banaanida dhuleed iyo badeed ee dalka aan lagu soo xadgudbi karin, dhanka kale masuuliyiinta Mareykanka ay sheegeen in dowladoodu ay mowqif adag ka taagan tahay Ilaalinta madaxbanaanida iyo midnimada Soomaaliya. .

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa uga mahadceliyay taageerada dowladda Mareykanka ay siineyso Soomaaliya, oo ay ugu horreyso arrimaha ammanka, dib u dhiska dalka, dib u eegista dastuurka KMG ee Soomaaliya, waxaana uu sidoo kale boggaadiyay sida ay ula shaqeeyaan wadamadda beesha caalamka iyo taageerada Soomaaliya ay siiyaan, isagoona xusay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku talaabsatay horumaro kala duwan, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo kobcinta dhaqaalaha.

Related posts

Ciyaaryahan Soomaaliya caan ka ahaa oo u geeriyooday Cudurka Covid-19

Cabdi Cade

Ciidamo ku biiraya Kumandoska Somalia oo tababar loogu qaaday Turkiga (Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo amar deg deg ah siiyay Guddiga Gurmadka Qaran

Cabdi Cade
Taboola Ads ---