Allbanaadir.com
NEWS

Maqaayad gaar ah oo loo furay dadka xanaaqa badan ama wax ka qaldan yihiin !

Dadka qalafsan ama xanaaqa badan waxaa aalaaba lagu eegaa fiiro sirgaxan, waxaana laga fishaa inay jawi aan nabdooneyn kaga falcelinayaan hab-la-dhaqankooda bulshada dhaxdeeda.

Maqaayadda Mori Ouchi, oo ku taalla magaalada Tokyo ee dalka Japan waxay caan ku tahay inay marti-geliso dadka xanaaqa badan ama wax ka qaldan yihiin . Waa dadka aan saha ay joogaan iyo saadaasha soo aadan aan ka bixin sansaan qurxoon, laakiin marwalba maanka ku haya ficillo iyo falcelinno aan togneyn.

Mulkiilaha maqaayaddan waxay aragtidan ku dhalatay 10 sanno kahor, balse wuxuu fursad ka dhex arkay markii uu xanuunka Covid-19 uu dunida ku baahay. Wuxuu dareemay in dadka taban aan la fadhigooda iyo sheekaysigooda la jecleyn in badan oo laga fogaado. Sidaas darteed, wuxuu u sameeyey madal iyo meel u gaar ah oo ay ku kulmaan.

“Dadku kuwa togan waxay siiyaan fiiro qurxoon, waxayna dhugmo tuhmo leh ku eegaan dadka taban,” ayuu u sheegay SoraNews mulkiilaha. “Waana muhiim inay helaan meel ay ku kala war bogtaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Raisul Wasaare Xamse oo culeys weyn kala kulmaya Xildhibanada Golaha shacabka

Caydiid Ali

Khayre oo la Kulmay Safiirrada Iyo Wakiillada Caalamka u jooga Somalia (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Haween garsoore ka ahaa Maxkamad sare oo saakay toogasho lagu dilay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---