Allbanaadir.com
NEWS

Ciidamo gadoodsan oo koontaroolka Garawe ku xayiray gaadiid aad u badan (Sawirro)

Ciidamo katirsan daraawiishta maamulka Puntland oo ka gadoodsan mushaar la’aan ayaa xiray koontaroolka bari ee magaalada Garawe ee caasimadda Puntland, waxa ayna ciidamada halkaasi xirtay diideen in ay ka gudbaan gaadiidka.

Sida aan wararka ku heleyno ciidamada gadoodsan ayaa koontaroolka ku xayiray boqolaal gaari oo kuwa xamuulka qaada ah, kuwaa oo qaarkood ka baxayeen magaalada Garawe, halka kuwa kalana magaalada kusoo jeedeen.

Qaar kamid ah saraakiisha hoggaamisa ciidamada gadoodsan ayaa sheegay in muddo sagaal bilood ah aysan helin wax mushaar ah,waxa ayna sheegeen in sababta gadoodkooda ay salka ku heyso sidii ay u heli lahaayeen xaquuqda ka maqan.

Ciidamada gadoodsan ayaana sheegay in koontaroolka u xirnaan doono kuna xayirnaan doonaan gaadiidka inta cabashadooda laga xalinayo lana siinayo xaquuqda muddada sagaalka bilood ah ka maqan.

Gadoodka ay sameenayaan ciidamada maamulka Puntland ayaa muddooyinkan dambe soo badanayay, waxa ayna ciidamada sheegayeen in aysan helin wax mushaar iyo xaquuq kala ah muddo bilooyin ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Trump oo ku fashilmay dacwad uu ka gudbiyey natiijada doorashada Maraykanka

Caydiid Ali

Xubno katirsan kooxda Daacish oo la xiray xilli ay diyaarinayeen Falal ammaan darro

Cabdi Cade

Daawo:-Dowlada Soomaaliya oo Maanta qaaday talaabo ka Farxisay Ardayda Soomaaliyeed

Cabdi Cade
Taboola Ads ---