Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Adis Ababa ka degay kana cadeenaya Mowqifiisa (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Adis Ababa, waxaana halkaasi loogu soo dhaweeyay si aan cadai ahehn.

Xasan Sheekh ayaa u tagay magaalada Adis Ababa si uu uga qeyb galo meertada 37-aad ee shir-madaxeedka golaha Midowga Afrika, shirkaas ay kasoo qeyb galayaan madax badan oo Afrikan ah.

Madaxweynaha ayaa gudbin doona mawqifka cad ee Soomaaliya ay ka taagan tahay faro-gelinta ka dhanka ah madax banaanida iyo midnimadeeda dhuleed, isagoo hoosta ka xariiqay sida aysan shacabka iyo dowladda Soomaaliya aysan u aqbalayn xadgudub kasta oo wiiqaya qarannimadooda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa khudbad uu ka jeedinayo Golaha waxa uu u ka shaqeyn doonaa iskaashiga dagaalka ka dhanka argagixisada, daris-wanaagga iyo in dalalka Afrika ay ka gudbaan caqabadaha nololeed iyo kuwa deegaan ee dib u dhigay nolasha shucuubta Qaaradda.

Inta uu socdo shir, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceedyo la yeelan doona madaxda kala duwan ee dowladaha, Ururrada iyo wufuudda muhiimka ah ee ka qeyb-galaya, isagoo mudnaanta siinaya xoojinta xiriirka dalkeennu la leeyahay dalalka Afrika iyo danaha Qaranka Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cabdirashiid Gebigebi oo la dilay xili uu kasoo baxay Masaajid

Cabdi Cade

Xuseen Gurguurte oo Codsi u diray Muxsiniinta Soomaaliyeed (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Taliyaha ciidanka Xoogga dalka oo booqday askar dagaallo kusoo dhaawacmay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---