Madaxweyne Hassan Sheikh Ha Ka Digtoonaado Inuu Cadowgiisa Ka Dhigto Saaxiib
Sirdoonka haysta shatiga dilka ay la beegsadaan madaxda ay dowladahoodu dhibsadaan maacangegnimadooda siyaasadeed awgeed, ayaa waxey waajibaadka hawshooda u gutaan si casriyeysan oo aan raad raac dambe lahayn, xeeladahaas oo salka ku haya dhimasho aan kedis ahayn oo u dhacda si dabeeciya, kuwaas oo inta badan lala xiriiriyo macluumaadka laga haysto taariikhda caaafimaadka hogaamiyaha la bartilmameysanayo iyo weliba da’da masuulkaas oo lagu jaangoynayo cudurada uu u nugul yahay in la qaadsiiyo, iyada oo loo soo marayo waxyaabaha qofkaas caadooyinkiisa ka midka ah, sida xoolo jacelka, naago jaceylka, balwo jaceylka, xukun jaceylka, caqiido jaceylka, faan jaceylka, qurux jaceylka, warbaahin jaceylka, shirar jaceylka, cadow badida, saaxiib badida, cadow soo dhoweyntiisa saaxibtinimo u arkida, ehel naceybka, iyo fagaaro ka hadal badida, waxaana tusaale noogu filan labadaan hogaamiye oo dilkooda si casriyeysan loo fuliyey, iyagoo si caadiya u geeriyoodey, cid walbana ay ku qanacday in geeri dabeeciya ay ku wada dhinteen.
Madaxweynihii hore ee dalka Venezuela, marxuum Hugo Chavez, ayaa ahaa hogaamiye mayal adag oo mabda’isa aad ugu dhegen xataa kadib markii ay burburtay xaruuntii ugu weyneyd shuuciyadda ee Midowga Soviet, wuxuuna dhuungal ku noqday dimoqaradiyeynta lala damacsanaa dhamaadka dagaalka qabow kadib in dib looga hirgeliyo wadamada ku yaala koofurta Ameerica oo loo yaqaano Latino Ameerika, waxaana ugu dambeystii sirdoonka ugu jirey badigoobka dilkiisa la siiyey macluumaadka la xiriira labiskiisa iyo cida u diyaarisa dharka uu ku labisto, waxaana sirdoonka u suutogashay iney laaluushaan haweyneyda dharka u dhaqda oo u diyaarisa gaar ahaan dharka uu sida gaarka ah uu hoosta uga xirto, waxeyna marar badan sirdoonku ka codsadeen haweeneydaas iney u soo gacan geliso motonteyaasha uu hoosta ka qaato, kuwaas oo ay ku buufiyeen Kimiko aan ur laahayn oo aan midab lahayn, waxeyna taas si tartiiba u dhex geleysaa jirka ay la kulanto oo ku talagalkoodu markaas ahaa xaniinyaha, mudo kadibna cudurka kansarka gelinaya xubintaas, waxaana dhacday sanooyin kadib oo uu la tacaalayey daweynta xanuunkaas inuu ugu dambeystii u geeriyoodey kansaarka xaniinyaha ku dhaca.
Hogaamiyihii mayalka adkaa, Yasser Arafat (AUN) ee horseedka u ahaa jabhada Fatah (PLO: Palestine Liberation Organization) oo 60 sano ku dhowaad u halgamayey xoreynta shacabka falastin, ayaa mucjiso dhuungala ku noqday Yuhuda iyo kuwa raacsan jiritaankeeda ay ku degen tahay dhulka Falastin, waxaana sirdoonka ku dabajirey dilkiisa u suurtogashay iney soo dhoweystaan oo ay saaxiib ka dhigtaan, isla markaasna 1994 siiyeen daraajada ah inuu yahay madaxweynaha maamulka Falastin, iyagoo beerdulucsigooda u adeegsanaya madaxda saaxiibadiisa Bariga Dhexe oo dhagarintiisa wax ka maleegayey, waxeyna marka kowaad geliyeen sumcad dil, laaluushid, iyo ka horkeenida xagjirka falastin oo uu cimrigiisa ku qaatay sidii uu halganka u soo gaarsiin lahaa jiilkooda, waxeyna soo dhoweyntiisa iyo waxyeeleyntiisuba ay soo dedejiyeen tilaabooyinka debciyey foljignaantii faraha badneyd oo uu caanka ku ahaa, waxeyna taas keentay in sirdoonka ay u suurtogelisey iney helaan macluumaadka caafimaadkiisa iyo dawooyinka uu sida joogtada ah u qaato, waxeyna taas keentay in dawooyinkiisa lagu soo dhex daro maadooyinka ah biraha culus (heavy metals) oo halbowleyaasha jirka hanaankooda kala duwan si tartiiba u dila, waxeyna kimikadaas ay sumeyneysa beerka iyo keliyaha oo ay ku keeneyso hawlgab, waxaana sidaas ku dhintay Hogaamiye Arafat oo naagtiisa Suha iyo dhatarkiisa ay ka dhex jirtey shakiga ah cida loo soo adeegsadey dilkiisa, waxeyna Sirdoonku sidaas ku gaareen dadaal ay wadeen 10 sano oo ugu dambeystii ay ku guuleysteen iney fuliyaan 2004, kadib markii Arafat ay keliyihii iyo beerkii ay hawlgab noqdeen.
Madaxweynaha Soomaaliya kama reebana inuu wadahadal diblomasiyadeed la furo raisulwasaaraha Itobiya, Mudane Aby Ahmed, iyo madaxda kale ee dowladda Itobiya, maxaa yeelay suurtogal ma ahan in hal nin dartiis loo naco dal dhan oo aad deris tihiin, waxyaabo badana ay labada dal isaga xiran yihiin, balse waxaa reeban wax ka baxsan xuduuda borotokolka diblomasiyadda oo taxadar badan looga baahan yahay iney u dhaxeyso madax kala qabta shaki isfahamdaro oo ay isku maandhaafsan yihiin waanaaga maslaxada dalalkooda, waxaase aan mesha ka maqnayn in madaxweyne Hassan uu sameyo waxa uu doonayo oo aysan jirin cid uu odeygu talo ka dhegeysanayo marka uu doonayo inuu sameeyo waxa uu go’aansado.
Dr. Saciid Ciise Maxamud
Gudoomiyaha Xisbiga Dimoqaradiyada Dadka
Saciidciise258@aol.com