Allbanaadir.com
NEWS

Kenya Airways oo duulimaadkii u horeeyay ee rakaab ah ka bilowday Muqdisho

Duulimaadkii ugu horeeyay ee Dayuuradda Kenya Airways oo rakaab siday ayaa maanta yimid Magaalada Muqdisho

Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa ka qeybgalay manaasabad xarigga looga jarayay Duulimaadkii ugu horeeyay ee Diyaaradda Kenya Airways ku timid Magaalada Muqdisho.

Munaasabadaan oo ka dhacday gudaha Garoonka Caalamiga ah ee Jooma Kenyatta ayaa waxaa ka qeyb galay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  u fadhiya Kenya Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle, Wasiirka Wasaaradda Difaaca Dowladda Kenya Mudane Aadan Barre Ducaale,  Wasiirka Gaadiidka iyo  Duulista Hawada Dowladda Kenya Mudane Onesimus Kipchumba Murkomin.

Madax kala duwan iyo Mas’uuliyiinta Shirkadda Diyaaradaha  iyo rakaabkii nasiibka u yeeshay in ay maanta raacaan duulimaadkii ugu horeeyay ee Diyaaradda Kenya Airways ku tageyso Garoonka Diyaaradda Caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cismaan ee Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn ayaa Danjire Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa waxa uu Warbaahinta Qaranka  Soomaaliyeed uga warbixiyay muhiimada ay u leedahay in Shirkada Diyaaradaha Kenya Airways maanta bilowdo Dulimaad toos ah ay ku tagi doonto Muqdisho, Nairobi iyo faa’iidada ay u leedahay Shacabka Soomaaliyeed ee u kala safra Soomaaliya iyo Dalkaan Kenya.

Related posts

Cumar Filish oo daah furay Telefishin cusub oo ku hadlaya codka G/Banaadir (Sawirro)

Caydiid Ali

Golaha Wasiirada Somalia oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho (Sawirro)

Caydiid Ali

Iran oo cafis u fidisay in ka badan 22,000 oo maxaabiis ah oo dowladda kasoo hor jeeday

Cabdi Cade
Taboola Ads ---