Allbanaadir.com
NEWS

(Sawirro) Milateriga Israaiil oo gudaha u galay Isbitaalka Naasir ee Koonfurta Qaza

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Israa’iil ayaa shalay weerar ku qaaday Isbitaalka Naasir ee koonfurta Qaza, kaasoo ah Isbitaalka ugu weyn ee ka shaqeeya gobolkaasi, ka dib markii ay maalmo go’doomiyeen xaruntaasi.

Ciidanka Israel ayaa sheegtay inay ku qabteen tiro dad ah oo laga shakisan yahay” oo ku jira isbitaalka, iyagoo intaa ku daray in howlgalka uu socdo.

Afhayeenka Ciidanka Israel Daniel Hagari ayaa sheegay in ay hayaan siro lagu kalsoonaan karo oo laga helay ilo dhowr ah, oo ay ku jiraan la haystayaal la sii daayey, kuwaasoo sheegaya in Xamaas ay hore dad afduuban ugu haysteen isbitaalka, iyo in meydadka la haystayaashii dhintay laga yaabo in ay yaallaan isbitaalka. Milatarigu si cad uma shaacin cadaymahaas.

Waxa uu ku andacoodey in Xamaas ay u badan tahay in ay ku dhuumanayaan dad rayid ah oo ku dhaawacmay gudaha isbitaalka Naasir  wuxuuna sheegay in howlgalku uu noqon doono mid sax ah oo xaddidan.

“Hamas wax shaqo ah kuma laha isbitaalka,” Muhammad Nazzal, oo xubin ka ah Xafiiska Siyaasadda ee Xamaas, ayaa u sheegay CNN Khamiistii.

Dr. Ashraf Al-Qidra, oo ah afhayeenka wasaaradda caafimaadka, ayaa yiri: “Gumaystaha Israa’iil waxay xoog ku galeen dhismaha Naasir Medical Complex waxayna ka dhigeen xero milatari ka dib markii ay burburiyeen darbiga koonfureed oo ay ka soo galeen. Cagaf-cagafyada millatariga Israa’iil ayaa qodaya xabaalo wadareedyo laga dhex qoday gidaarada adag” ayuu yiri Dr. Al-Qidra.

Waxay ku soo beegantay maalin kadib markii boqolaal qof oo rayid ah ay ciidamada Israa’iil ku qasbeen inay ka baxaan Isbitaalka oo ay gabbaad ka dhiganayeen.

Related posts

Kooxo hubeysan oo ka dhex dagaalamaya hotelka SYL iyo Rasaas weli ka socota

Caydiid Ali

Doorashada Afar kursi oo katirsan golaha Shacabka oo beri la dooran lahaa oo …

Cabdi Cade

Maraykanka oo taageeray Mowqifka uu Midowga Afrika ka qaatay muddo kororsiga DF

Caydiid Ali
Taboola Ads ---