Allbanaadir.com
NEWS

Kooxo hubeysan oo dilay Axmed Tahliil iyo Faah Faahino kasoo baxaya dilkaasi

Wararka ka imaanaya waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in saakay halkaasi lagu dilay nin ganacsade ah oo caan ka ahaa ,waxaana ninkan dilkiisa fuliyay rag hubeysan oo qaarkood xirnaayeen dareeska ciidanka Puntland.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in shan nin hubeysan oo gaari wadatay goobtiisa ganacsi ku dhax dileen Axmed Tahliil Xaaji Aadan oo kamid ahaa ganacsatada ku dhaqan waqooyiga magaalada Gaalkjacyo.

Dilka kaddib ayaa la sheegay in kooxdii falkaasi fulisay goobta isaga baxsadeen, waxaana goobta dilku ka dhacay gaaray ciidamada ammaanka maamulka Puntland kuwaa oo wada baaritaanno ku aadan dilkan.

Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ku badan dilalka salka ku haya aanooyinka qabiil, waxaana marar badan magaaladaasi lagu dilay dad haldoor ah ay ku jiraan dhaqaatiir, odayaal iyo culumaa’udiin.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

QM oo warbixin ka soo saartay Xaalada xuquuqda aadanaha ee Somalia

Caydiid Ali

Ciidamo ka tirsan K/Galbeed oo Muqdisho lagu siinayo tababar xirfad cusub (Sawirro)

Caydiid Ali

Eritrea oo bilowday in ciidankeeda kala baxdo gobolka Tigrey kadib baaq loo diray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---