Allbanaadir.com
NEWS

Shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta looga hadlay arrimo kala duwan oo xasaasi ahaa

Shirka Todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa looga hadlay hawlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta oo ka socdo qeybo kamid ah dalka iyo horumarka ay sameyneysay sanadihii dhawaa Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed.

Shirka oo u guddoominayey ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa looga dhageystay warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka iyo dagaalka lagu ciribtirayo Khawaarijta Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha, kuwaas oo soo bandhigay guulaha laga gaaray howlgalladii ugu danbeeyey ee dalka looga xoreynaayey Khawaariijta.

Golaha ayaa warbixin la xiriirta maamulka Hawada Soomaaliya iyo horumarka la gaaray ka dhageystay Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada, taas oo soo bandhigtay warbixin faah-faahsan oo la xiriirta howlaha duulimaadka dalka, iyada oo xustay in dowladda Soomaaliya ay gacanta ku hayso guud ahaan maamulka iyo maaraynta hawada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, ayaa golaha warbixin ka siisay halka uu marayo geeddi-socodka dib-u-eegista iyo qabyo-tirka Dastuuurka, iyada oo goluhu si mugleh ugu bogaadiyay shaqada adag ee ay soo qabteen hey’adaha dastuurka, maadaama uu haatan horyaallo Baarlamaanka oo guda galay doodaha lagu dhammeystirayo dastuurka.

Related posts

Dab goor dhow ka kacay qeybo ka mid ah Suuqa weyn ee Bakaaraha

Caydiid Ali

Qarax goor dhow ka dhacay Magaalada Muqdisho iyo Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Wariye loo magacaabay in uu noqdo Gudoomiye Degmo katiran Gobolka Banaadir

Cabdi Cade
Taboola Ads ---