Allbanaadir.com
NEWS

Shirkadda Elon Musk oo lagu eedeeyay in ay lacag ka qaaday kooxo argagixiso ah

Shirkadda X ee horay loo oran jiray Twitter ayaa lagu eedeeyay in lacago ka qaadeyso kooxo argagaxiso ah oo ciwaano ku leh barteeda, waxa ayna taasi abuurtay dhaleeceyn dhinacyo kala duwan shirkadda uga timid.

Barnaamijka TTP ee ka shaqeeya arrimaha tiknoolajiyada casriga ah ayaa ogaaday in shirkadda X ay siisay calaamada buluuga ah akoono ay leeyihiin xubno ka tirsan ururka Xisbullah iyo ururo kale oo lagu tilmaamo in ay argagaxiso yihiin.

Shirkadda X uu milkiilaha ka yahay Elon Musk ayaa calaamada buluuga ah macaamiisha bishii uga qaada lacag dhan 8-dollar, waxaana dadka lacagtaasi bixiya shirkadda u ogolaaneysa in ay daabacdaan qoraalo dhaa dheer oo dad badan akhrisan karaan.

Warkan markii uu soo baxay ayaa shirkadda X durba qaaday tallaabooyin deg deg ah, waxa ayna calaamada buluuga ah kala noqotay shaqsiyaad lagu eedeeyay in ay katirsan yihiin kooxo argagaxiso ah.

Shirkadda horey loo oran jirey Twitter ee markii uu la wareegay Elon Musk magaca ka bedelay ayaa bilowday in macaamiisheeda, gaar ahaan kuwa calaamada buluuga raba in bishii lacag ka qaado, taas oo dad badan aad ula yaabeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada India oo amar cusub ku soo rogtay ardayda Muslimiinta iyo carro ka dhalatay

Caydiid Ali

Deni oo sheegay ineysan waxba ka qaban karin arrin ay ka qeyliyeen shacabka Puntland

Caydiid Ali

Guddooomiyah Gobolka Hiiraan oo Dowladda ugu baaqay in tallaabo adag ka qaado labo taliye Ciidan

Cabdi Cade
Taboola Ads ---