Allbanaadir.com
NEWS

Weerar khasaaro geestay oo lagu qaaday xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Muqdisho

Waxaa xalay weerar loo adeegsaday hoobiyaal lagu qaaday xartunta wasaaradda Gaashaandhigga ee kutaalla magaalada Muqdisho,waxaana weerarkaasi khasaaro kasoo gaaray dad shacab ah.

Sida aan wararka ku helnay ilaa afar hoobiye ayaa lagu tuuray xarunta wasaaradda Gaashaandhigga, waxaana hoobiyaasha qaarkood ku dhaceen guryo dad shacab degan yihiin oo ka agdhaw xarunta wasaaradda.

Dhowr qof oo shacab ah ay ku jiraan carruur yar yar ayaa dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen hoobiyaasha lagu garaacay wasaaradda Gaashaandhigga, lamana oga madaafiic kale oo gudaha wasaaradda ku dhacay in khasaaro geesteen.

Weerarka kaddib ayaana ciidamada ilaalada wasaaradda Gaashaandhigga dhankooda waxa ay rideen rasaas, lamana soo sheegin wax khasaaro ah oo ka dhashay rasaasta ay rideen ciidamada ammaanka.

Al Shabaab ayaa mararka qaarkood weeraro hoobiyaal loo adeegsada ku qaada xarumo kuyaalla magaalada Muqdisho, weerardaasi ayaana inta badan khasaarooyin kala duwan waxa ay kasoo gaaraan dadka shacabka ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Guddoomiyihii gobolka Togdheer oo xilka laga qaaday iyo mid cusub oo la magacaabay

Cabdi Cade

Cali Jeyte & Sanbaloolshe oo gaaray Yasooman ka dib dagaalkii maanta (Sawirro)

Caydiid Ali

Xaguu ku Dambeeyay Xaalka Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur?

admin
Taboola Ads ---