Allbanaadir.com
NEWS

Booliska Puntland ee Garowe oo gacanta ku soo dhigay Ayuub Cabdiqani Ibrahim (Shiino)

Ciidanka Booliska Gobolka Puntland ee gobolka Nugaal ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Ayuub Abdiqani  Ibrahim (Ayuub shiino) oo ku eedaysan dil xalay ka dhacay duleedka Garowe.

“Ciidanka Booliska Puntland Qqeybta Gobolka Nugaal iyagaoo gudanaya waajibka ka saaran ilaalinta iyo ka hortaga falalka lidka ku ah bulshada iyo deegaanka ayaa gacanta ku dhigay eedeysane baxsad ah laguna magacaabo Ayuub Abdiqani  Ibrahim (ayuub shiino) Kuna eedeysan  dil xalay ka dhacay Magaalada Garoowe”.ayaa lagu yiri war ka soo baxay Booliska.

Warka ay soo saareen Booliska ayaa sidoo kale lagu sheegay in eedeynaha la horgeyn doono sharciga.

“Eedeysanaha oo ay Ciidanku gacanta ku hayaan, waxaana la horgay doona maxkamada awooda uleh cidkasta falkaas ku edaysan waxaana socota barista kiiska. Dilka oo ay ku dhinteen  marxuum Sharmaake Ismaaciil  Wayrax iyo marxuum Abdifataax Abdiraxman diirye. Falkaas oo dhacay 14/2/2024  abaaro sacadu markay ahayd 0:4:30 subaxnimo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Booliska.

Related posts

Hogaamiyaha Taliban oo soo saaray amar cusub oo ka careysiinaya reer galbeedka

Caydiid Ali

Wasiirka Amniga oo si kulul uga hadlay dad ciidanka Boolisku ku dileen Muqdisho

Caydiid Ali

Isbadal lagu sameenayo magaca loogu yeero madaxda ugu sareysa maamul goboleedyada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---