Allbanaadir.com
NEWS

RW ku xigeenka dalka oo ka qeyb galay shir laga soo saaray saddex qodob (Sawirro)

Ra’isul Wasaare ku xigeenka XFS Md. Saalax Axmed Jaamac ahna ku simaha Ra’iisul wasraaha XFS  ayaa maanta xarunta dhexe ee SoDMA waxa uu ku Guddoomiyey shir gaar ah.

Waxaa shirkan uu dhaxeeyey Xafiiska Ra’isul wasaaraha, Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka,  Wasaaradaha Gargaarka dowlad goboleedyada Dalka, iyo Masuuliyiin ka socday hay’addaha NGO-yada maxalliga ah .

Shirkaan oo  looga hadlay xaaladaha bini’aadanimo ee dalka ayaa waxaa ka soo baxay in SoDMA qabato shir aan caadi aheen oo looga hadlaayo xaaladaha bini’aadanimada, caqabadaha jira iyo sida looga gudbi karo, in la dhameestiro sharciyada iyo siyasaddaha looga hortagayo Leexshashada Gargaarka.

Waxaa sidoo kale la go’aamiyey in la dhiso guddi gaar ah oo ka kooban SoDMA iyo hay’addaha maxalliga ah oo ka shaqeeya in inta aysan dadka soo barakicin degaanadooda wax loogu qabto.

Related posts

Dowlad Carbeed oo maalmaha fasaxa todobaadka u bedeshay Sabti iyo Axad

Caydiid Ali

Weerar Mindi loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Kawasaki (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Dayuurada Turkish Airlines oo xalay timid Muqdisho & Sababta ka dambeysa (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---