Allbanaadir.com
NEWS

Hilibka Xalaasha oo laga mamnuucay Yurub iyo Maxkamad soo saartay ammar adag

Muslimiinta kunool qaarada Yurub ayaa dhibaato badan kala kulmi doona helitaanka hilibka xalaasha ah, kaddib ammar mamnuucid ah oo kasoo baxay Maxkamada Xaquuqada Aadanaha ee Yurub .

Maxkamadda Xuquuqda Aadanaha Yurub ayaa soo saartay go’aan ah in xoolaha kahor inta aan la qalin la suuxiyo, taas oo ka hor imaaneysa habka gowrca diinta Islaamka nafartay una gowracdaan dadka muslimiinta ah.

Qoraal kasoo baxay maxkamadda ayaa lagu sheegay in go’aankan ay soo saareen uusan xadgudub ku ahayn xorriyada diimaha iyo islamarkaana uusan ahayn takoor dad gaar ah loola dan leeyahay.

Go’aanka maxkamada ayaa lasoo rogay shalay, kaddib markii uu guuldareystay dacwad ay wadajir u gudbiyeen ururada Muslimiinta iyo Yahuuda oo doonayay in loo oggolaado inay xoolo u qashaan si waafaqsan diintooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamad ku taalla Mareykanka oo ku gacan seyrtay dacwad uu u gudbiyey Trump

Caydiid Ali

(Akhriso) Jawaabta dowlada Somalia ka bixisay go’aankii Kenya oo Af-Soomaali ku qoran

Caydiid Ali

Wasiir Hakan Fidan oo la kulmay xubno katirsan hoggaanka Xamaas

Cabdi Cade
Taboola Ads ---