Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo wafdi culus u dirtay Itoobiya iyo xog ku aadan Ujeedka safarkooda

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, ahna ku simaha Wasiirka arrimaha dibedda Xil. Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) ayaa gaaray magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya.

Wasiir Balcad ayaa halkaasi kaga qayb geli doona shir madaxeedka 44-aad ee waddamada midowga Afrika, kaasoo looga hadli doona xaaladda guud ee Qaaradda iyo sidii loo wajihi lahaa caqabadaha jira.

Shirkan oo socon doona 14-15 bishan Febraayo ayaa waxaa ka qeyb galaya inta badan madaxda dalalka Afrika oo haatan ku qulqulaya Addis ababa.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, ahna ku simaha Wasiirka arrimaha dibedda Xil. Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad) oo inta uusan ka ambabxin dalka la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in damaca Itoobiya uu la mid yahay waddan heshiis la galay gobol dal kale ayna jirin cid ku garab istaageyso gardarrada ay waddo.

Wasiirka ayaa intaa ku daray in dowladda Soomaaliya ay qaadi doonto hadba tallaabada ay Itoobiya qaaddo mid u dhiganta oo jawaab u ah. ”Tallaabo kasta oo ay Itoobiya qaaddo mid u dhiganto ayaan qaadi doonnaa”

Wasiirka ayaa sheegay in Itoobiya ay kasoo dabacday halkii uu taagnaa damaceeda gurrcan Soomaaliyana ay usoo dirtay ergo caalami ah iyo mid gobolka ah si heshiis looga gaaro arrinta badda, wuxuuna sheegay in aysan oggolaan doonin wax dhexdhexaadin ah illaamaa ay xukuumadda Addis Ababa ka laabato heshiis ay la gashay Muuxe Biixi.

Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud ayaa ka baaqday ka qeyb galka shirkan sababo la xiriira khilaafka culus ee soo kala dhex galay Somalia iyo Itoobiya ka dib isafgaradkii RW Abiy Ahmed uu la saxiixday madaxda Somalilad kaasoo dhigayey bixinta dhul badeed ay Somalia leedahay & aqoonsi Itoobiya siiso Somalland.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay doonaysaa in shirka Midowga Afrika arrimaha looga hadlayo ay kamid noqdaan xadgudubka Itoobiya ay ku sameysay madax bannaanida midnimada dhuleed ee  Soomaaliya.

Midowga Afrika ayaa horey ugu baaqay labada dal inay xiisaddooda ku dajiyaan wada hadal iyo is qancin. Sidoo kale Golaha Ammaanka ayaa xiisada labada dal u weeciyay inay xal ka gaaraan AU-da iyo IGAD.

Related posts

Maamulka Jubbaland oo War ka soo saaray go’aankii lagu fasaxay Xildhibaanada Ceelwaaq

Caydiid Ali

Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidanka Xoogga dalka (Sawirro)

Caydiid Ali

Axmed Hayaan: “Waxaan meeshan ku ilaalinaynaa magaca iyo sumacada dadkeena”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---