Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xassan Shiikh oo la kulmay Taliyaha Guud ee ciidanka Talyaaniga (Sawirro)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone.

Kulanka oo uu ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin iyo xubno ka tirsan dowladaha Somalia iyo Talyaaniga

Labada dhinac ayaa ka  hadlay xoojinta iskaashiga  amni ee labada dal, dardar gelinta wada shaqeynta, doorka dowladda Talyaaniga ee dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada qalabka Sida, taageerada iyo garab istaagga Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dagaalka ay kula jirto argagixisada.

Madaxweynaha ayaa dowlada Talyaaniga uga mahad celiyey taageerada joogtada ah ee siiso Soomaaliya iyo sida ay qeyb qaadaneyso dib u dhiska ciidamada qalabka sida iyo fulinta mashaariic horumarinta.

Talyaaniga ayaa ka mid ah dalalka xubnaha ka ah midowga Yurub ee dhaqaalaha badan ku taageera dowlada Somalia iyo maamulada hoos taga ee ka jira dalka, waxayna dalka ka wada mashaariic kala duwan.

 

Related posts

Ilhan Cumar oo guul Taariikhi ah ka gaartay Doorasho ka dhacday Mareykanka

Cabdi Cade

Madaxweyne Joe Biden oo Laalay Wareegtooyin iyo Amaro uu horey usoo saaray Trump

Cabdi Cade

Said Mohamud: “The Somali Democracy is for Sale”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---