Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Haramcad oo cagta mariyey Maxkamad Al shabaab hoos tagaysay (Sawirro)

Ciidanka Booliska Gaarka  ah ee Haramcad ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyey inta u dhexeysa deegaanka Gandershe iyo arbacow ee gobolka Sh/hoose.

Ujeedka howlgalkaas ayaa lagu sheegay burburinta goobo Al-Shabaab gabaad u ahaa iyo maxkamad halkaas ay ka fureen

Degaanada  howlgalka laga sameeyey ayaa kala ahaa Godka kubash, Galka geeriyaan,Galka Saalimow, Maracade iyo meelo kale oo ay ka heleen documents ay ka mid Yihiin kuwa dadka  canshuuro looga qaadayey

Howlgalka ayaa waxaa si gaar ah u sameeyey cutubyo ka tirsan Ciidanka Haramcad’ iyo kuwa xooga dalka gaar ahaan Guutada Cumar Binu-Khadaab

“Argagixisada arxanka daran ee Al-Shabaab ayaa caado ka dhigatay isku dhex qarinta dadka shacabka, maadama aysan ka hortagi karin awood ciidanka Haramcad balse Ciidanka  oo u tababaran baacsiga argagixisada ayaa cagta mariyey haraadiga argagixisadii ku dhuumaaleysaneysay deegaankaas” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka haramcad.

Related posts

Dowlada oo Amar ku bixisay in la joojiyo Dhul Boob ay Wadaan Masuuliyiin iyo dad Shacab ah

Cabdi Cade

Akhriso Magacyada iyo Qabiilada :Guddiga madaxa banaan ee la-dagaallanka Musuq-maasuqa

Cabdi Cade

Ku-simaha Madaxweynaha oo guddoomiyay shir looga hadlayay Amniga dalka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---