Ciidanka xoogga dalka oo garab ka helaya ciidamada deegaanka ayaa howlgalo qorsheysan ka fuliyay deegaano dhowr ah dhaca Bariga gobolka Galgaduud .
Howlgallada ayaa ciidamada si gaara kaga fuliyeen deegnanda Cali Candhoole , Shikh Cabdullahi, Baraag Xaaji Dhagax iyo Deegaano kale oo dhowrah oo lagu tuhmayay in ay ku dhuumaaleesanayeen kooxda Al Shabaab.
Ciidamada ayaa inta ey howlgalka ku jireen waxay so saareen tiro miinooyin ah oo ay Al Shabaab dooneysay in ay dhibaatooyin ku geesteen, waxa ay sidoo kale ciidamada bur buriyeen fariisimo Al Shabaab lahaayeen.
Taliyaha ciidamada guutada 24 ee Khaalid Bin Walid, Gaashaanle Maxamed Dhagaweyne ayaa sheegay in ciidamada huwanta ah wali ka wadaan deegaanno katirsan bariga gobolka Galgaduud howlgalo ka dhan ah Al Shabaab.
Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa kuwa dadka deegaanka ayaa mudooyinka dambe kordhiyay howlgalada lagu baacsanayo kooxda Al Shabaab ee ku sugan deegaanno katirsan bariga gobolka Galgaduud.