Allbanaadir.com
NEWS

Shirkad xeelad foolxun u adeegsanaysa inay shaqaalaheeda ku kala dhinto ama erido!

Shirkad Shiinees ah oo ka shaqeysa suuq-geynta ayaa lagu eedeeyey inay xafiisyadeeda u rarayso meelo fogfog si shaqaalaheeda ku nool magaalooyinka ay ugu qasabto inay isaga tagaan ama inay siiso magdhow ama cawilcelin.

Waa tallaab lagu sheegay mid kamid ah xeeladihii ama tabihii ugu qallafsanaa oo shirkad ku dhaqaaqdo si ay u cadaadiso shaqaalaheeda. Shirkaddan ku taalla Xi’an City, waxay xafiisyadeeda u rartay meel ka fog magaalooyinka oo aalaaba uusan wada tagin gaadiidka dadweynaha – haddii la aadaya uu qofku ku qasban yahay inuu kiraysto gaari u gaar ah.

Shirkadda ayaa muggii hore ku wargelisay shaqaalaha inay is dhimaan ama ka tagaan shaqada maadama degaan cusub oo jawi ka beddelan midka ay hadda ku shaqeeyaan ay rabaan inay u guuraan.

Mid kamid ah shaqaalaha oo la yiraahdo Chang ayaa u sheegay warfidiyeenka in shirkaddu u ku wargelisay in hadda kaddib loo so raaci doono hal gaadiid ka badan oo baraha xafiisyada cusub laga sameeyey lagu soo gaari karo oo kaliya muddo 2 saacadood ah haddii uu qofku wato gaari u gaar ah – kii aan heysanna uusan awoodi doonin inuu soo shaqo galo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamadda G/Banaadir oo saakay mar kale dhageysaneysa Dacwada ninkii gubay Xaaskiisa

Cabdi Cade

Wasaaradda Maaliyadda oo dhaqangelisay Qaraar XFS kasoo baxay

Cabdi Cade

Qarax dhimasho badan sababay oo ka dhacay duleedka Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---