War-saxaafadeed goordhaw kasoo baxay hay’adda duulista iyo garoomada maamulka Somaliland ayaa si adag looga hadlay xad-gudbyo ay sheegeen in ay ku kaceyso dowladda Soomaaliya, gaar ahaan maamulka hawada ee xaruntiisa tahay Muqdisho.
Somaliland warkan kasoo baxay oo lala wadaagay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan duulimaadyada rayidka ayaa lagu sheegay in waxii maanta kaddib carqalad ka yimaada maamulka hawada ay qaadi doonaan masuuliyiisa dowladda Federaalka .
Warkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in maamulka duulista hawadda iyo garoomada Somaliland oo kaashanaya shacabkooda in ay qaadi doonaan tallaabo kasta ay ku joojinayaan xad-gudubyada uga imaanaya dowladda Soomaaliya .
Halkan ka Akhriso war-saxaafadeedka kasoo baxay maamulka hawada Somaliland
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com