Allbanaadir.com
NEWS

Ciyaaryahan Biriq dishay xilli uu garoon ku dhax jiray iyo murugo garoonka ka dhacday

Ciyaaryahan kubadda cagta ah oo u dhashay dalka Indonesia ayaa dhintay, kaddib markii biriq ama jac ku dhacday xilli uu garoon ku dhax jiray una ciyaarayay kooxdiisa, taa oo garoonka dhaxdiisa ka abuurtay murugo badan.

Garoonka Wiliwangi Stadium ee gobolka West Java ayaa mar qura dadkii iyo ciyaartoydii ku sugneed waxaa hareeyay murugo xooggan, kaddib markii xiddig 36-sanno jir ahaa isaga oo ciyaaraya biriq kula dhacday garoonka.

Warbaahinta dalka Indonesia ayaa ku warantay in ciyaar u dhaxeysay FC Bandung iyo FBI Subang murugo isku bedeshay, waxa ayna baahiyeen in ciyaaryahanka markii biriqda ku dhacday kaddib uu nuux nuuxsanayay ,inkastoo daqiiqado kaddib uu geeriyooday.

Dhacdadan ayaa noqoneysa markii labaad oo sannad gudihiisa garoon dhaxdiisa biriq kula dhacdo ciyaaryahan gudaha Indonesia, waxaana ciyaaryahan da’yar ah oo katirsan kooxda  Bojonegoro biriq kula dhacday garoonka, inkastoo uu dhimasho ka bad baaday xidigaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Laamaha amniga DF oo kulan deg deg ah iskugu yimid (Sawirro)

Caydiid Ali

Maxkamad ku taalla Maraykanka oo riday xukun yaab leh & Biden oo ka carooday (Sawirro)

Caydiid Ali

DAAWO TOOS: Ciyaarta Xulka Qaranka 17-jirada Somalia iyo dhigooda Algeria

Caydiid Ali
Taboola Ads ---