Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Xasan oo caawa tagay xarunta Safaarada Imaaradka lana kulmay Axmed Jumca

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday Safaraadda Imaaraatka Carabta ee Muqdisho ayaa kulan is-xogwareysi iyo tacsiyeyn ah la qaatay Danjire Axmed Jumca Al-rumeysi.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Danjiraha ayaa ka wada hadlay ahmiyadda xiriirka soo-jireenka ah ee labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo kobicinta dhaqaalaha.

Booqashada madaxweyne Xasan Sheekh caawa ku tagay xarunta safaarada dalka Imaaraadka ku leeyihiin Muqdisho ayaa kusoo aadeysa ,xilli habeen hoire weerar ka dhacay xerada Jeneraal Gordon lagu dilay saraakiil katirsan Imaaraadka Carabta.

Imaaradka Carabta ayaa xiriirka kala dhaxeeyay Soomaaliya dib usoo celisay markii xilka madaxweynaha loo doortay Xasan Sheekh, waxaana weerarkii habeen hore lagu beegsaday saraakiisha Imaaraadka la ogeyn saameynta uu ku yeelan karo xiriirka labada dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaano katirsan Hirshabelle oo lagu dhaawacay Jowhar iyo Al Shabaab oo ka hadashay

Cabdi Cade

Madaxweyne Farmaajo oo sheegay in dib loo howlgelinayo Kuliyaddii ciidamada Jaalle Siyaad (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Nabadoon caan ah oo ah la dilay iyo Madaxweyne Cali Guudlaawe oo ka hadlay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---