Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Dowlada Itoobiya oo xilal Muhiim ah u magacawday qaar kamid ah Jabhadihii hubeesnaa

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa wali ku mashquulsan in dalkiisa ka hirgaliyo isbedelo hor leh, waxa uuna Ra’isul Wasaaraha Heshiis la gaaray inta badan Jabhadihii hubeesnaa ee dowlada dagaalka kula jiray.

Dowlada Itoobiya ayaa hada bilowday in xilal muhiim ah u magacawdo qaar kamid ah jabhadihii hubeesnaa ee dagaalka kula jiray dowlada ,waxa ayna tilaabadan qeyb ka tahay heshiisyo horey dowlada ula gashay Jabahadihii hubeesnaa.

Xubno kamid ahaa jabhadda Oromada ee OLF iyo Ginbod 7 ayaa loo dhiibay laamaha ammaanka ee deegaannada Oromiya iyo Amxaarada, waxaa sidoo kale la filayaa in dowlada xilal kale u magacawdo xubno kale oo kamid ah ururadan.

Kamal Dalju oo kamid ahaa xubnaha OLF  ayaa waxaa loo magacabay hogaanka nabadgalyada iyo cadaaladda ee gobolka Oromiya halka gudoomiye ku xigeenkii OLF Xayle baba ayaa isna loo magacaabay gudoomiyaha booliska ee gobolka Oromiya.

Taliyihii ciidanka Jabhada Ginbod 7 ayaa isna loo magacaabay talihaya aminga ee dawlad deegaanka Axmaarada, waxaana magacaabista xubnahan mucaaradka kamid ahaa si weyn looga hadal hayaa gudaha Itoobiya.

Jabhada Soomaalida ee ONLF ayaa iyagu wali heshiis rasmi ah la galin dowlada, mana jiro ilaa hada wax xilal ah oo dowlada Itoobiya u magacwday xubno kamid ah kooxda ONLF oo qaarkood dib ugu laabteen gudaha Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Guddoomiyaha G/Banaadir oo Wareegtadii ugu horeysay ka soo saaray dhismaha barxadii Ceelgaab

Caydiid Ali

Madaxweyne Waare oo la sheegay in 2 Milyan oo Dollar ku qaatay Heshiiskii Dowlada Dhaxe

Cabdi Cade

Sargaal sare oo katirsanaa Ahlu Sunna iyo Ciidamo uu watay oo ku biiray ciidanka Dowlada

Cabdi Cade
Taboola Ads ---