Allbanaadir.com
NEWS

Wasiirka Difaaca oo Imaaraadka xog ka siiyay Baaritaanka weerarkii Xerada Jen. Gordan

Wasiirka wasaaradda Difaaca Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa khadka taleefonka kula hadlay Wasiiru Dowlaha Difaaca ee dowladda  Isutagga Imaaraadka Carabta Maxamed Bin Mubaarak.

Wasiirka ayaa ugu horreyn  uga tacsiyeeyay xukuumadda, shacabka iyo ciidanka dowladda Imaaraadka geerida ku timid saraakiishii Imaaraadka ahaa ee lagu dilay weerarkii ka dhacay xerada ciidanka ee Jeneraal Gordan.

Waxa uu sheegay Wasiir Jaamac in saraakiishii Imaaraadka looga dilay weerarka ay yihiin halyeeyo summad u ahaan doona kaalinta dowladda Imaaraadku kaga jirto la dagaallanka argagixisada caalamiga ah iyo dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa la wadaagay wasiiru dowlaha Difaaca Imaaraadka xogta halka ay mareyso baaritaannada lagu sameenayo weerarkii ka dhacay xerada Gordan, waxa uuna sheegay in weerarkaasi dad loo xiray ayna socdaan baaritaanno dheeraad ah .

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa caddeeyay in weerarkii ka dhacay magaalada Muqdisho ee lagu dilay saraakiisha Imaaraadka u dhalatay uusan waxba u dhimi doonin xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Baarlamanka Soomaaliya oo u mahad celiyay Jan Amilcar Schmidt

Caydiid Ali

Wasiir ka dhuuntay xil-wareejinta iyo toban su’aalood oo loo diray inuu ka soo jawaabo

Cabdi Cade

Somaliland: “Xabad joojintii aan xalay shaacinay waxay ka socon weyday dhinaca kale”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---