Booliska Puntland ee magaalada Gaalkacyo aya sheegay iney gacanta ku dhigeen nin dhalinyaro ah oo xalay fal dil bareer ah ka geystay magaaladaas.
Qoraal ka soo baxay Booliska ayaa lagu sheegay in ninkan gacan ku dhiiglaha la hor geyn doono sharciga
HOOS KA AKHRISO QORAALKA BOOLISKA
Taliska Qeybta Boliska gobolka mudug ayaa Waxaa usuura gashay in ay gacanta ku soo dhigaan Eedaysane Gacan ku dhiigle Liibaan Cumar Axmad 22 jir ina Sacdiyo Maxamed cali oo xalay Toorey ku dilay magaalada Gaalkacyo allaha u naxariistee Marxuum Mohamed Abdullahi Guuleed oo 29 jir ina Aamino.
Haddii aad heshid xog ku saabsan falal Amni daro ama aad arragtid wax aad ka shakisan tahay iyo wax walba oo la Xiriira dhaq-dhaqaaqa Amniga Puntland.