Allbanaadir.com
NEWS

Labada aqal ee Baarlamanka BFS oo ka doodaya ajende uu khilaaf ka taagan yahay

Labada gole ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda ayaa markii ugu horreysay muddo 60 sano ah ka dib ka doodaya ansixinta wax ka badalka iyo dhammeystirka Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muddo dhowr iyo toban sano ah qabyo ahaa.

Labada gole ayaa maanta loo qeybinayaa nuqulka soo jeedimaha wax ka badalka Dastuurka iyadoo goluhu warbixin ka dhageysan doono guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka ee labada gole sidoo kalena golaha waxaa la siin doonaa jadwalka doodda oo maalmo soco doonta.

Cutubyada 1aad 2aad 3aad iyo 4aad ayuu soo diyaariyey guddiga dib u eegista iyo la socodka Dastuurka waxaana cutubka 1aad dooddiisu ay socon doontaa 14 bishaan Febraayo ilaa 19 bisha.

Cutubka 2aaad ayaa isna dooddiisu soco doontaa 21 Febraayo ilaaa 04 Marso halka cutubka 3aad dooddiisa loo qorsheeyey 06 Marso ilaa 11 bisha.

Cutubka ugu dambeeya ee 4aad ayaa loo asteeyey ka doodistiisa 13 Marso ilaa 23 Bisha waana dhammeystirka Marxaladda 2aad ee Cutubyada 1aad ilaa 4aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda.

Qorshaha wax ka bedelka dastuurka oo uu muddo dheer ku adkeysanayey madaxweyne Xassan Shiikh ayaa si weyn uga soo horjeeda siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamulka Puntland oo dhaliilsan sida loo wajahayo dhameystirka

Related posts

Maamul Goboleedka Puntland oo maanta soo saaray Awaamiir cusub (Akhriso)

Cabdi Cade

Puntland oo amar culus ku soo rogtay gaadiidka u gudbi jiray Somaliland

Caydiid Ali

Madaxweyne Farmaajo oo tababar u soo xiray Saraakiil & ciidamo ka tirsan Xoogga dalka (Sawirro)

Caydiid Ali