Francesca Albanese, Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan dhulka la haysto ee Falastiin, ayaa diiday hadalka madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee ahaa weerarkii 7-dii Oktoobar ee Xamaas uu ahaa “xasuuqii ugu weynaa ee Yuhuud nacaybka ah ee qarniga 21-aad.”
“Xasuuqii ugu weynaa ee nacaybka Yuhuudda ee qarnigeenna? Maya, Mr. Macron. Dhibbanayaashii Oktoobar 7 looma dilin diinta Yuhuudda darteed, laakiin waxay ka jawaabayeen dulmiga Israa’iil. Faransiiska iyo beesha caalamku ma aysan sameyn wax ka hortag ah” ayey tiri Albanese oo qoraal uu soo dhigtay baraha bulshada.
Waxay ka jawaabaysay hadalo ka soo yeeray Macron isagoo ka qeyb galayey xus loo sameeyey dhibanayaashii 7-dii Oktoobar xaflad ka dhacday magaalafa Paris 7-dii Febraayo. Intii lagu jiray xafladda, Macron wuxuu yiri “xad gudub weyn oo taariihi ah ayaa Yuhuuda lagu sameeyey”
Albanese waxa ay sheegtay in ay cambaaraysay weerarka ayna “ka xuntahay” in qaar ka mid ah ay hadalladeeda loo fasirtay in ay qiil u tahay falka Xamaas.
“Waan ka xumahay in dadka qaar ay qalad i fasirteen inaan hadalkeyga ku difaacayo dambiyada Xamaas ee 7dii Oktoobar oo aan si adag u cambaareeyay dhowr jeer. Waxaan diiday dhammaan midab-takoorka, oo ay ku jiraan nacaybka,” ayay tiri.
Iyadoo ka jawaabaysa hadalka Albanese, Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Faransiiska ayaa ku celisay hadalka Macron ee ah in xasuuqii Oktoobar 7 uu ahaa “xasuuqii ugu weynaa ee nacaybka Yuhuudda ee qarniga 21aad.”