Guddiga Arrimaha Gudaha Maamulada Goboladda iyo amniga ee Golaha shacabka BJFS ayaa kulan ku yeeshay Maanta Xarunta Golaha iyo Guddiyada ee Golaha shacabka BJFS .
Kulanaka waxaa shir Guddoomiyey ku-simaha Guddoomiyaha ahana Guddoomiye ku –xigeenka Guddiga Xilldhibaan . Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afey) waxaana ku wehliyey Xoghayaha Guddiga Xilldhibaan. Maxamed Ibrahim Cabdi (Diyeeshe).
Sido kale Kullanka waxaa kaso Qeybgalay Wasiir ku -Xigeenka Wasaaradda Amniga Gudaha Gudaha Ahna kusimaha wasiirka Mudane Maxamed Siciid Xagaa , Agaasimaha Hey’adda Socdaalak iyo Jinsiyadda soomaaliyed Mudane Axmed Siciid Mxamed Iyo Agaasimaha Guud wasaaradda amniga Gudaha Madnne Yuusuf Cali Maxamed Kulanka ayaa ahaa su.aal weydiin iyo la-xisaabtan Agaasimmaha Guud ee Hey’adda socdaalka iyo jinsiyadda soomaaliyeed si uu uga warbixyo waxqabdka Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliyeed iyo su’aalo la xiriiro waajibaadkii loo igmaday Agaasimaha .
Ugu dambeyntii ku-simaha Guddoomiyaha ahna G/K Guddiga arrimaha gudaha iyo amniga Golaha shacabka BJDS Xilldhibaan . Nuur Axmed Diiriye (Nuur Afey) Ayaa umahad celiyey wasiirka Wasaaradda amniga Gudaha ahana kusimaha wasiirka wasaaradda amniga Gudah , Agaasimaha Guud wasaaradda amniga Gudaha iyo Agaasima Guud Hey’adda socdaalka iyo jinsiyad soomaaliyed intaa kadib shirka wxa soo xiray Guddoomiye ku xiggenka Guddiga ahna kusima Guddoomiyaha .