Taliyhii hore ee heyadda sirdoonka iyo nabad sugida Somalia Fahad Yasin Xaaji Daahir ayaa hadlay weerarkii xalay ka dhacay Muqdisho ee dilay saraakiil ka tirsan ciidamada Imaaraadka.
Saddex ka tirsan ciidamada Imaaraadka iyo askari ka tirsan dalka Baxrayn ayaa ku dhinteen, 2 kale oo ciidamada Imaaraadka ka tirsana ay ku dhaawacmeen weerar ka dhacay xerada tababarka Gen Gordan ee magaalada Muqdisho, ka dib markii uu rasaas ku furay askari ka tirsanaa ciidanka xoogga dalka oo ka tirsanaa ilaalada xeradaas, waxaana weerarkaas sheegatay kooxda Al shabaab.
Fahad Yaasiin ayaa sheegay ugu baaqay madaxweyne Xassan shiikh inuu isbedel ku sameeyo laamaha amaanka oo uu sheegay iney ka buuxaan shaqsiyaad horey uga tirsanaa, welina xiriir la leh al shabaab kuwaasoo uu xusay iney kooxda kala shaqeeyaan weerarada noocan ah
HOOS KA AKHRISO QORAALKA UU SOO SAARAY FAHAD YAASIIN
𝐃𝐀𝐘𝐀𝐂 𝐀𝐌𝐍𝐈 𝐌𝐈𝐒𝐄 𝐃𝐀𝐘𝐀𝐂 𝐇𝐎𝐆𝐆𝐀𝐀𝐌𝐈𝐍?
Xerada Janaraal Gordan oo kamid ahaa xarumaha ugu amniga adkaa in saraakiil Xoogga Dalka iyo tababarayaal ajnabi ah lagu dhex shirqoolo waa fal ugub ku ah sooyaalka amni ee dalkeen.
Madaxweyne Xasan Sheekh waxyaabaha dhacay waa inay u noqotaa cashar uu wax ka barto iyo qiil uu wax ku saxo.
Marka uu Amiir Ku Xigeenkii hore ee Al Shabaab uu xil wasiirnimo ah ku abaalmariyo. Marka wasaaradaha ay hoostagaan ciidamada uu hogaan uga dhigay shakhsiyaad taariikhdooda lagu hubo iney Shabaab soo mareen. Marka hay’adihii ugu xasaasiyadda badnaa uu u dhiibay rag shaqaale u ahaa Alshabaab maxay tahay natiijada uu filan karo?
Wajigabax xanuun badan ayaa gaaray sumcada iyo kalsoonida lagu qabi karo amniga dalka. Madaxweynuhu hadduusan isbaddal degdeg ah ku samaynin qaab dhismeedka hoggaanka amniga dalka, waxa la filan karo waa fashal amni, oo kasii fool xun inta dhacday.
Waxa dhacay waa dayac amni, oo hadii uu Madaxweynuhu qaadi waayo tallaabo u qalanta isku badali doonta dayac hogaamineed.
Waxaan Alle uga baryayaa inuu u naxariisto intii ku dhimatay weerarkaas foosha xun, intooda dhaawaca ahna uu caafimaad taam ah siiyo.
Fahad Yasin