Duqeymo dhanka cirka ah oo ay iska kaashaadeen Ciidanka Xoogga dalka iyo Saaxiibada Caalamiga ah, ayaa lala beegsaday Xubno ka tirsan al shabaab, oo ku sugnaa deegaano hoos-yimaada degmadda Jammaame ee gobolka Jubbada hoose.
“Duqeyntaan, ayaa cadowga waxaa lagu gaarsiiyey khasaaro culus, waxaana looga dilay in kabadan 20 dhagarqabe oo ay ku jireen horjoogeyaal ajaanib ah” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay taliska ciidanka xoogga dalka.
Dhinaca kale, Guutada 14ka Octobar ee Xoogga dalka iyo Ciidanka NISA oo is kaashanaya ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgal ka dhan ah al shabaab ka fuliyay tuulooyinka hoos taga degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa intiisa badan ka dhacay waddada dheer ee isku xirta degmooyinka Marka iyo Afgooye iyo tuulooyinka ku teedsan dhinaca Xeebta Shabeellaha Hoose.