Allbanaadir.com
NEWS

Jabuuti iyo Somaliland oo ka hadlay weerarkii xalay ka dhacay Muqdisho

Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti, mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa si kulul u cambaareeyay falkii argagaxiso ee shalay ka dhacay xerada Jeneraal Gordan ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Jabuuti ay garab taagan tahay dowlada iyo shacabka Soomaaliya oo dadaal adag ugu jira sidii argagaxisada dalka looga cirib tiri lahaa.

Dhinaca kale, Maamulka Somaliland ayaa dalka Emiraadka Carabta kaga tacsiyaysay weerarkii ka dhacay xerada Gordan ee magaalada Muqdisho kaasoo ay ku dhinteen saraakiil u waddankaas u dhashay oo halkaas u joogay tababar ciidan.

Qoraal lagu daabacay bogga X ee Wasaaradda arrimaha dibada ayaa lagu sheegay inay Somaliland iyo shacabkeeduba Emirate ka tacsiyadanayaan falkaas lagu laayey saraakiishoodii ku sugnaa Soomaaliya.

Weerarkii toogashada ahaa ee xalay ka dhacday Xerada Ciidanka General Gordan ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku dhintay saraakiil kala duwan oo ay ku jiraan afar sarkaal oo ka mid ahaa macalimiintii tababarka bixinaysay, sida lagu sheegay war kaso baxay wasaaradda difaaca dawladda Imaaraadka.

Related posts

Mishiinka Laaabka leh ee Sofiya iyo R/Wasaaraha Itoobiya oo balansan (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Itoobiya oo shaacisay iney magaalo muhiim ah ka qabsatay gobolka Tigray

Caydiid Ali

Cali Jeyte oo hoggaaminaya ciidamo si toos ah u hoos tagaya madaxweyne Xasan Sheekh

Cabdi Cade