Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka oo isugu yimid kulan aan caadi aheyn (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulan aan caadi ahayn oo ay yeesheen xubnaha Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka.

Kulanka waxaa goob joog ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar iyo dhammaan xubnaha guddiga, waxaana lagu soo bandhigay shintiriska (Jadwalka) ee kulamada u gaarka ah ka shaqeynta dib u eegista dastuurka KMG ah ee JFS oo ay soo gudbiyeen Guddiga La-socodka iyo Hirgelinta Dastuurka BJFS.

Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf oo ah Guddoomiyaha Guddiga La-socodka iyo Hirgelinta Dastuurka ee BJFS ayaa xubnaha Guddiga Joogtada uga warbixiyay shintiriska kulamada u gaarka ah dastuurka isagoo xubnaha guddiga la wadaagay qeybaha uu ka kooban yahay jaantuska kulamada wadajirka ah ee labada gole Baarlamaanka ee looga doodayo dib u eegista dastuurka KMG ah.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo gunaanadka soo xiray kulanka maanta ayaa ka hadlay ahmiyadda weyn uu u leeyahay shintiriskan kulamada looga doodi doono dib u eegista dastuurka KMG ah, waxaana uu guddoomiyuhu tilmaamay muhiimada uu dhameystirka dastuurka u leeyahay geedi socodka dhismaha dowladnimada dalka.

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqisho ayaa war kasoo saartay toogashadii xalay ka dhacday gudaha xerada Jeneraal Goordan ee magaalada Muqdisho, taas oo lagu dilay saraakiil u dhashay Imaaratka Carabta.

Qoraal kasoo baxay safaaradda, ayaa lagu yiri“Waxaan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa eheladii ay ka geeriyoodeen dadkii ku naf waayay weerarkii foosha xumaa ee argagixisanimo ee shalay lala beegsaday tababarayaasha ciidamada Imaaraatka Carabta iyo askarta Soomaaliyeed ee sida geesinimada leh uga shaqeeya horumarinta xasiloonida dalka.”

Related posts

Wasiir Axmed Fiqi oo la kulmay Cabdi Waayeel kaddib muddo kororsigii Qoor Qoor (Sawirro)

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo shaacisay in ay billowday tartanka bixinta liisanka balookyada saliidda

Cabdi Cade

(Sawirro) Madasha Iskaashiga Horumarinta Somalia & Beesha Caalamka oo la daahfuray

Caydiid Ali