Hogaamiyeyaha SSC Khaatumo oo Magacaabay taliyeyaal ciidan (Magacyada)

Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo Mud. Cabdiqaadir Aw-Cali ayaa S/Guuto Saleebaan Barre Xasan (Geesood) u magacaabay inuu noqdo Taliyaha Guud ee Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo.

Sidoo kale waxaa G/Sare Cabdifataax Maxamed Aadan Cabdi loo magacaabay inuu noqdo Taliye Ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo.

Hoggaamiyaha ayaa Taliyaha iyo Ku xigeenkiisa oo ah khuburo iyo xeeldheereyaal ciidan Ilaahay uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday.

Mudane Cabdiqaadir A. Aw-Cali ayaa sidoo kale u Magacaabay Hoggaanada Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo saraakiisha  kala ah.

  1. G/Sare Maxamed Saleebaan Caabbi

Hoggaanka Hawlgelinta Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo

  1. G/Sare Cabdirashiid Axmed Nuur

Hoggaanka Taakulaynta Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo

  1. G/Sare Bacayees Aadan Nuur

Hoggaanka Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo

  1. G/Sare Baaruud Muuse Maxamed

Hoggaanka Maamulka Maaliyadda Ciidanka Daraawiishta SSC-Khaatumo

Hoggaamiyaha ayaa Saraakiishan oo leh khibrad sare oo ciidan islamarkaana shacabkooda si weyn ugu adeegay Ilaahay uga baryay in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u igmaday.

- Advertisement -