Allbanaadir.com
NEWS

Ciyaartoy Soomaali ah oo Xulka K/cagta Qatar u qaaday koobka Qaramada ASIA (Sawirro)

Saddex gool oo dhammaantood rigoore ahaa oo uu dhaliyay Akram Cafiif, oo ah wiilka laacibki hore ee Xulka Qaranka Soomaaliya, Xasan Cafiif, ayay kooxda Qaranka Qatar ku garaacday dhiggooda Urdun caawa fiidkii.

Ciyaarta oo ku dhammaatay 3-1, ayay Qatariyiinta ku billaabeen dardar xoog leh iyaga oo taageero aan caadi aheyn ka helayay inta badan 86,492 oo ruux oo ku sugnaa garoonka kubadda cagta Lusail ee magaalada Doha. Dadka ciyaarta daawanayay waxaa ka mid ahaa, Amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin Hamad Al-Thani iyo guddoomiyaha Fifa Gianni Infantino.

Goolka kaliya ee ay Urdun dhaliyeen, waxaa waxyar kaddib qeybta labaad ee ciyaarta dhaliyay Yazan Al-Naimat, taasoo rajo weyn gelisay taageerayaasha Jordan maadaama ay ciyaarta noqotay 1-1.

Laakin Afif, ayaa laba rigoore oo Qatar loo dhigay qeybti labaad ee ciyaarta wadnaha ku gooyay Urduniyiinta. Afif, wuxuu noqday laacibki ugu goolasha badnaa tartankan, isaga oo dhaliyay 8 gool, wuxuu kale uu ku guuleystay abaalmarinta laacibki ugu wanaagsanaa ciyaarta finalka.

Xulka Jordan oo uu sannadkaan leylinayay tabaraha khabiirka ah ee dalka Morocco Xuseyn Cammuuta sidoo kalana ay u dheelayeen laacibiin si weyn uga muuqday tartanka sida Musa Al Tamari, Yazan Al-Naimat, iyo goolhayaha waaya aragga ah Yazid Abu Layla, ayaa taariikh sameeyay. Waxay aheyd marki ugu horreysay oo ay abid soo gaaraan finalka Koobka Asia.

Xulka Qatar ayaa iyaguna sameeyay taariikh, kaddib marki ay laba jeer oo isku xigta koobka ku guuleysteen marki ugu horreysay taariikhdooda. Sannadki 2019-ki iyo sannadkaan 2024-ka.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Related posts

Wasiir Aadan Ducaale oo difaacay Ninkii Soomaaliga ee Bistoolada isku difaacay

Cabdi Cade

Fahad Yaasiin oo xilka Wareejiyay iyo Ciidamo badan oo lasoo dhoobay Xarunta NISA

Cabdi Cade

Askari Soomaali Mareykan ah oo Dambi dil ah lagu helay (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---