Allbanaadir.com
NEWS

Dad isku qoys ahaa oo ku naf waayey madaafiic lagu weeraray degaanka Camaara

Sida ay sheegayaan Warrarka ka imaanaya degaanka Cammaara ee Gobolka Mudug dhawr iyo toban madfac oo hoobiye ah ayaa xalay saqdii dhexe lagu weerarray degmadaas, kuwaas oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh

Khasaaraha ugu argagaxa badan ayaa qabsaday qoys iyagoo jiifa uu ku habsaday mid ka mid ah madaafiicda, waxaana halkaas ku dhintay aabaha iyo hooyada qoyska, iyadoo uu ku dhaawacmay wiil ay dhaleen sida ay sheegeen ehellada qoyskaasi.

Hooyo kale ayaa la sheegay iney ku dhimatay madaafiicdaasi taasoo si xun u gubatay ka dib markii uu hoygeeda ugu tagay madfac

Lama soo sheegin dhimasho ama dhaawac kale oo ay geysteen hoobiyayaasha ku dhacay Cammaara.

Saraakiisha ciidamada iyo dadka deegaanka ayaa ku eedeeyay Al-Shabaab in ay soo tuureen madaafiicda ku dhacday Cammaara oo ka mid ah degaanadii dhowaan laga saaray Al shabaab,

Dadka degaanka oo aad u murugeysan ayaa saaka ku howlan qaban qaabada aaska dadka waxyeeladu ka soo gaartay madaafiicda xalay lagu weeraray.

Related posts

(Sawirro) Xubno ka tirsana Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada dowlada

Caydiid Ali

Heshiis horumarineed oo haldoorka Soomaalida dhexdooda laga dhigo ayaa hortebin u leh dowladda cusub

admin

(Sawirro) Xamse Barre oo dhagax dhigay dhismaha xarun cusub oo loogu talo galay..

Caydiid Ali