Allbanaadir.com
NEWS

Maxaa ka jira in askarigii laayey Saraakiisha Imaaraadka uu horey uga soo goostay Al Shabaab?

Fiidnimadii xalay ayaa askari hubaysan oo ka mid ahaa ilaalada xerada ciidamada ee Janaraal Gordan waxa uu rasaas la beegsaday goob ay ku sugnaayeen saraakiil sarasare oo ay ku jiraan tababarayaal ajanabi ah, waxaa sidaasi wakaalada Wararka Reuters Saraakiil ka tirsan ciidanka iyo shaqaalaha isbitaalka.

“Askariga ayaa rasaas ku furay tababarayaasha Imaaraadka iyo saraakiil ka tirsan ciidamada Soomaaliya markii ay salaadda galeen,” ayuu yiri sarkaalkan oo magaciisa kusoo koobay Axmed oo la hadlay wakalada wararka Reuters.

Askariga weerarkaan fuliyay oo horey uga soo goostay kooxda Al shabaab ayaa isna goobta lagu toogtay, sida saraakiil sare u sheegeen Reuters.

“Waxaan fahamsanahay in askariga uu ka goostay Al-shabaab ka hor inta aan loo qorin ciidanka dowladda Soomaaliya ee Imaaraadku tababaro,” ayuu sarkaalka sare u sheegay Reuters.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaas, iyagoo sheegay inay beegsadeen taliska saraakiisha Imaaraadka ee gudaha xerada ku yaalla.

Waxay sheegteen in ay halkaas lagu dilay 17 sarkaal oo isugu jira Imaaraad, Soomaali iyo kuwo kale oo ka socday wadamo kale, lana shaqeynayey Imaaraadka, balse ma jirto cid ka madax-banaan kooxda oo soo bandhigtay khasaaraha inta uu la egyahay.

Weerarkii toogashada ahaa ee xalay ka dhacday Xerada Ciidanka General Gordan ee Magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ku dhintay saraakiil kala duwan oo ay ku jiraan afar sarkaal oo ka mid ahaa macalimiintii tababarka bixinaysay, sida lagu sheegay war kaso baxay wasaaradda difaaca dawladda Imaaraadka.

Warka ayaa intaas ku sii daray in saraakiishu ay u kala dhasheen Imaaraadka Carabta iyo waddanka Baxrayn.

Sidoo kale waxaa la sheegay in saraakiil iyo askar Soomaali ah oo goobta ku sugnaa ay ku dhinteen weerarka inkasta oo aan tirada si sax ah loo xaqiijn karin.

Saraakiil iyo askar qabta dhaawacyo kala duwan oo isugu jira Soomaali iyo ajaaniba ayaa iyana la sheegay in la gaarsiiyay qaar ka mid ah isbitaalada sida ay xaqiijiyeen shaqaalaha caafimaadka.

Wasaaradda gaashaandhigga Imaaraadka Carabta, ayaa sheegtay in saddex ka tirsan ciidamadeeda qalabka sida iyo hal sarkaal oo u dhashay dalka Baxreyn lagu dilay “fal argagixiso” oo ka dhacay Soomaaliya, xilli ay tababarayeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga Imaaraadka Carabta oo lagu daabacay bogga wakaalada wararka Imaaradka Carabta ayaa lagu yiri:

“Wasaaradda Gaashaandhigga waxay ku dhowaaqaysaa inay shahiideen saddex askari oo ka tirsan ciidamada xoogga dalka Imaaraadka Carabta iyo sarkaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka Baxreyn, halka ay dhaawaca yihiin labo kadib fal argagixiso oo ka dhacay Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Soomaaliya”.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo weerarka dib dhaawacyada ku booqaday isbitaalka Digfeer, ayaa si adag uga hadlay weerarkan, isaga oo ku amray laamaha ammaanku inay sameeyaan baaris degdeg ah.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyey dalka isu-tagga imaaraadka carabta, garab-is-taaggooda joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya.

Related posts

Isbitaalka Indhaha Al-Nuur oo indho fiiqis bilaash ah u sameeyey dad ku dhow kun ruux (Sawirro)

Caydiid Ali

Xildhibaan ka hadlay Sababta ay maanta u tageen magaalada Kismaayo

Cabdi Cade

La-taliyaha Guddoomiyaha Golaha shacabka oo ka soo horjeestay kala dirida guddiga Maaliyada

Caydiid Ali